Deegaanka ugu Roobka Badan Somaliland oo la Shaaciyay.

Deegaanka ugu Roobka Badan Somaliland oo la Shaaciyay.

Deegaanka Laaso-dacawo ee gobolka Saaxil, ayaa noqday deegaanka Helay Roob kii ugu Badnaa xilli-Roobaadka gugan ee ka Da’ay Somaliland.

532mm oo Roob ah ayaa ka da’ay deegaankaas laaso-dacawo, mana jiro deegaan la mid ah oo Roob xaddigaasi oo kale ah Helay.sida ay tilaamayso xog ururin ay wasaaradda Beeruhu ka sameeysay Roobabkii Somaliland ka da’ay.

Waxaa ku Xiga oo Roob Badan Badan Helay deegaanka Taysa (414mm) iyo Boon (383mm).

Deegaanadan helay Roobabkii ugu Badnaa ee Guga ayaa ka Tirsan Gobollada Saaxil,Gabilay iyo Awdal.