Dawladda Koonfurta Sudan oo la wareegtay Maamulka hawadeeda.

Dawladda Koonfurta Sudan ayaa Maamulka Hawadeeda si Rasmi ah ugala soo Wareegtay Dawladdii ay ka Go’day ee Sudan oo Maamulaysay ilaa markii ay ka madaxbannaanida Heleen.

La wareegista ayaa dhacday maalmihii lasoo dhaafay kadib markii Shirkad Shiinaha laga leeyahay ayaa u dhistay una qalabaysay Xarunta hawada laga hago ee koonfurta sudan, markii ay awood u yeesheena waxay dalbadeen in ay gacanta loo galiyo maamulka hawada sare ee dalkooda.

Sudan iyo koonfurta Sudan ayaa dal kaliya isku ahaan jiray balse waxay kala baxeen muddo laga joogo 14 sano.