Dawlada waqooyi korea oo ka digtay in lasoo rido gantaallo ay tijaabisay.

Dawlada waqooyi korea oo ka digtray in lasoo rido gantaallo ay tijaabisay.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in tallaabo kasta oo lagu joojinayo laguna soo ridayo gantaallada ay tijaabisay loo qaadan doono “ku dhawaaq dagaal”.

Hadalkan ay soo saartay Kim Yo Jong, oo ah walaasha awoodda badan ee la dhalatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa soo xiganaysa warbixin ay soo saartay warbaahinta Kuuriyada Koonfureed oo sheegaysa in Maraykanku uu qorsheynayo inuu soo rido gantaallada isaga kala goosha qaaradaha ee Pyongyang (ICBMs) haddii hubka lagu tijaabiyo dhinaca Badweynta Baasifigga.

Mareykanka iyo xulafadiisa weligood may ridin gantaalada ballistic-ga ee Kuuriyada Waqooyi – oo sida caadiga ah lagu riday xaglo dhaadheer si looga fogaado dalalka deriska ah – laakiin su’aasha ayaa soo jiidatay baadhitaan cusub tan iyo markii Pyongyang ay soo jeedisay inay gantaalo badan ku riddo Japan.

Kim Yo Jong ayaa sheegtay in Pyongyang ay u arki doonto tallaabo kasta oo militariga Mareykanka ee ka dhanka ah tijaabinta hubka istaraatiijiga ah “ku dhawaaqid dagaal”.