Dawlada ruushka oo hanjabaad adag udirtay wadamada taageerada siinaya ukrain .

wadamada poland iyo slovakia ayaa noqonaya labada dal ee ilaa hdda guyrmadka diyaaradeed gaadhsiiyey ukrain.

Dowladda Ruushka ayaa ku hanjabtay inay burburin doonto diyaaradkasta oo dagaal ee ay Ukraine siiyaan xulafadeeda, kaddib markii laba dal ay ballanqaadeen inay bixin doonaan diyaarado ay ku taageerayaan ukrain .

Waddanka Slovakia ayaa noqday dalkii labaad ee Nato ka tirsan ee Kyiv u ballanqaada inuu siinayo diyaaradaha dagaalka ee MiG-29, warkan oo soo baxay Jimcihii maalin uun kaddib markii Poland ay taageero noocaas oo kale ah fidisay.

Dowladda Slovakia ayaa sannadkii la soo dhaafay joojisay isticmaalka diyaaradahaas kuwaas oo haatan iska yaal garoomada dalkaasi.

Dowladda Ukraine ayaa dalalka reer Galbeedka waxa ay waydiisatay diyaarado dagaal oo casri ah, hasayeeshee tababarka oo waqti dheer qaadanaya ayaa arrintaas loo arkay in faa’iidadeeda la heli doono mustaqbalka fog uun.

Ukraine ayaa diyaarado dagaal oo dheeraad ah oo ay hesho waxay u aragtaa inay muhiim u yihiin difaaceeda iyo inay qaaddo weerraro rogaal celis ah, xilli sannad laga joogo duullaankii Ruushka.

Dalal kale oo Nato ka tirsan ayaa qorshaynaya inay diraan diyaarado dagaal sida MiG-29 – oo ah nooc la sameeyay waayihii Midowgii Soofiyeet – diyaaradahaas oo duuliyayaasha Ukraine ay u tababran yihiin inay duuliyaan.

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo waddanka Ruushka, Dmitry Peskov, ayaa cambaareeyay qorshahaasi, isagoo sheegay in diyaaradahaasi aanay saamayn ku yeelan doonin natiijada laga filanayo “howlagalka gaarka ah ee milateri” ee Moscow, oo ah sida ay ugu yeedhaan dagaalka socda.

Waxa uu sheegay in diyaaradahaas ay “dhibaatada uun ku sii kordhin doonaan Ukraine iyo dadkeedaba”.