Dawlada Mareykanka oo cabasho ugudbisay wasaarada arrimaha dibedda soomaaliya.

” Wuxu ahaa Fal Anshaxa Diblomaasiyadda ka Fog oo Halis ah”

Sidaasi waxaa lagu sheegay warqad Rasmi ah oo kasoo baxday Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, Warqaddaasi oo ahayd mid Cabasho ah loona diray wasaaradd arrimaha dibadda ee dawladda Soomaaliya kadib markii Ilaalada Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo ilaalada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay dagaal gacanta ah u gaysteen Ilaalada Gaarka ah ee Danjiraha Maraykanka, xilli ay socotay Xaflad lagu sagootinayay oo ku Beegnayd 17 May.

Dhacdadan oo Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ay ku Tilmaantay mid aan la aqbali kari, Halis ahaa, kana fog anshaxa diblomaasiyadda ayaa dawladda Soomaaliya loogu baaqay inay wax ka qabato shalhsiyaadka Falkaasi gaystay.

Dhacdadan ayaa lala socodsiiyay safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington, iyadoo safiir ku Xigeenka Warqaddan Qoray uu sheegay In uu jawaab ka sugayo Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.