Mas’uulyiinta iyo taageerayaasha Isbahaysiga Mucaaradka Kenya ayaa isku diyaarinaya inay dib u billaabaan dibadbxyada ay uga soo horjeedaan dowladda Madaxweyne Ruto.
Arrintan ayaa ka dambaysay kadib markii la isku fahmi waayay wada-hadalladii u dhaxeeyay dowladda iyo mucaaradka.
Madaxweyne William Ruto oo ka jawaabayay qorshaha ay mucaaradku ku doonayaan inay dib ugu billaabaan dibad-baxyada ee maalinta Talaadalada ayaa sheegay in dowladdiisu ay gacan bir ah ay ku qaban doonto, oo ay ilaalin doonto ammaanka muwaadiniinta.