Dawlada Ingiriiska oo ku dhawaaqday hadal niyad jab ku ah dadka tahriibayaasha ah.

Dawlada Ingiriiska oo ku dhawaaqay hadal niyad jab ku ah dadka tahriibayaasha ah.

Wasiirrada Dawlada Ingiriiska ayaa lagu booriyay in ay waajib ku tahay in ay meesha ka saaraan qof kasta oo yimaada UK ee soo mara wadada ay adeegsadaan tahriibayaashu sida ugu dhakhsaha badan.

Qof kasta oo doomaha yar-yarka ah ku taga dalka Ingiriiska waxaa laga hor istaagi doonaa inuu codsado magangalyo, sida uu dhigayo sharci cusub oo la filayo in lagu dhawaaqo toddobaadka soo socda.

Wakhtigan , magangalyo-doonku waxay xaq u leeyihiin inay dalka Uk joogaan si kiiskooda loo dhageysto Sida uu dhigayo sharciga cusub, kuwa ku yimaada doomaha yar-yar waxaa laga hor istaagi doonaa inay magangalyo ka codsadaan Ingiriiska, waxaana loo qaadi doonaa Rwanda ama “dal saddexaad oo ammaan ah” waxaana laga mamnuuci doonaa inay dib ugu laabtaan Dalka Uk.