Mareykanka, Ingiriiska iyo dalal kale ayaa cambaareeyay dilka iyo xadhigga lagula kacay dibadbaxyaasha Kenya oo shalay ka sameyay bannaanbaxyo waaweyn guudahaan dalka kenya.
War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen safiirada iyo wakiillada 13 wadan ayaa waxa ay ku muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin rabshadaha ka dhacaya guud ahaan dalka ee sababay dhimashada.