Waddanka Chile ayaa maanta oo Isniin ah ciidamo geyn doona xudduudaha uu la wadaago waddamada Peru iyo Bolivia, si ay u xakameeyaan soo gelitaanka muhaajiriinta aan sharciga haysan.
Cutubyo ka tirsan militariga ayaa awood loo siin doonaa, inay xidhaan qof kasta oo isku daya inuu ka gudbo isgoysyada xuduudaha ee aan la fasixin, iyaga oo u gudbinaya booliska maxalliga ah.
Hawlgalka ayaa socon doona muddo saddex bilood ah
Wadama kale oo ay ka mid tahay Canada ayaa sidoo kale sheegay inay xidhi doonto xadka aan tooska ahayn ee ay soo maraan magan-galyo doonka kasoo galaya Canada dhanka Maraykanka.
Arrintaan waxay kusoo Beegmaysa iyadoo dowlad-gobalkeedka Quebec ay dowladda dhexe ee dalka Canada ka codsatay in la xidho wadada lagu magacaabo Roxham Road oo sanadihii udambeeyey kumanaan soo galooti ah kasoo galeen dalka Canada.
Be the first to comment