Dagaal xoogan oo dhexmarey Ciidamada Itoobiya iyo Ururka Al-shabaab .

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya inuu sii xoogeysanayo dagaalka ka dhex-qarxay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo mar kale dib u billaabay inay weeraraan ciidamadaasi.

Dagaal labaad ayaa muddo 24 saacad gudahood labada dhinac ku dhex-maray degmooyin ka tirsan gobolka Bakool oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamadan oo qayb ka ah ATMIS.

Al-Shabaab ayaa lasoo wariyay inay xalay weerar ku qaadeen saldhigga ciidanka Itoobiya ee degmada Diinsoor, waxaana xigay dagaal toos ah oo la’isku adeegsaday hub culus.

War kasoo baxay kooxda ayaa lagu sheegay inay dagaalka Diinsoor ku dileen askar ka tirsanaa ciidamada Itoobiya, ayna ku dhaawaceen kuwa kale, sida lagu sheegay bayaanka.

Dhankooda taliska ciidanka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay iska caabiyeen maleeshiyada soo weerartay, dibna ay u celiyeen, kadib dagaal ka dhacay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan mid deggan, waxaana degmada Diinsoor iyo nawaaxigeeda howlgallo culus ka wada ciidamada Itoobiya oo baadi goob ugu jiro xoogagii xalay soo weeraray.

Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale kus ugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS.