Dad Tahriibayaal ah oo Geeriyoodey iyo sababta.

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay dooni ay la socdeen dad tahriibayaal ah oo ku degtay xeebaha Faransiiska ee kanaalka Ingiriiska.

Tobanaan ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa dumar, oo ay ku jirto haweeney uur leh, halka lix kalena ay ahaayeen carruur aan qaan gaarin, sida ay saraakiishu sheegeen. In ka badan 50 qof ayaa la soo badbaadiyay, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Faransiiska, iyadoo dad badan lagu daweeyay Boulogne-sur-Mer.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo raysal wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa codsaday in si dhow la iskula shaqeeyo si wax looga qabto marinnada laga soo gudbiyo tahriibayaasha.

Kanaalka waa mid ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan adduunka ee maraakiibtu maraan, iyadoo ay khatar tahay in lagu gudbo doomo yaryar.

Bishii August, labo qof ayaa meydkooda la helay kadib markii doon sidday muhaajiriin isku dayaya inay ka gudbaan Kanaalka ay dhibaato lasoo deristay.