Colaadaha Dunida ka jira oo barakiciyey dadkii ugu tirada badnaa.

Machadka la socodka barakacayaasha, ayaa sheegay in colaadaha iyo rabshadaha ka jira meelo badan oo caalamka ahi, inay barakiciyeen in ka badan 75 million oo qof, taasoo maraysa halkii ugu sarraysay.

Kala badh dadka barakacayaasha ah ee caalamka ayaa ku nool wadamada saxaraha ka hooseeya ee Afrika

Warbixin ay soo saartay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in dadka barakacayaasha ahi ay ahaayeen sannadkii 2022, illaa 62.5 million oo qof, halka dadka qaxootiga rasmiga ah loo aqoonsadayna ay gaadhayeen 36.4 million oo qof.