Ciidanka Booliska Somaliland oo loogu baaqay in ay dhakhtar geeyaan Bushaaro Baande.

Magaalada Hargeysa waxaa Muddo ku dhow Todobaaad ku xidhan Saxafiyad Bushaaro Baandey oo kamid ah Bahda warbaahinta Madaxa Banaan ee Somaliland iyadoo fadhigeedu yahay dalka ingiriiska .

Bushaaro Baandey ayaa la xidhay Xilli ay dooneysay inay Socdaal dhinaca Dhulka ah kusoo gasho Somaliland waxaana lagu qabtay Deegaan Xuduudeedka Tog-Wajaale ee Galbeedka Somaliland.

Bushaaro ayaa waxa ay sheegtay in loo geystay dhaawacyo culus wakhtigii ay ciidanku qabanayeen iyadoo Arrintaasi dhaawacyada ah iyo xadhigeedaba ay Cambaareeyen siyaasiin kala duwan iyo Garyaqaano.

Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa ugu baaqey xukuumada Somaliland inay Xoriyadeeda usoo celiyaan wariye Bushaaro Baandey .

Bushaaro Baandey ayaa hadda ku gudo jirta Todobaad Rumaan ah oo ay usoo jartay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex.