Ciidamada Soomaaliya oo qaadey Talaabo dhanka Amaanka ah.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa Koontarool kasta oo Muqdisho ku yaalla geyn doona Eeyo baara qaraxyada, si amniga loo adkeeyo, loogana hortago waxyaabaha qarxasida uu sheegay afhayeen
Xasan ayaa kudhawaaqay in eeyaha ay si gaar ah ugu tababaran yihiin urinta walxaha qarxa, iyagoo siinaya lakab dheeraad ah oo ammaan ah oo laga yaabo in hababka dhaqanka ay waayaan. Waxa uu shacabka u xaqiijiyay in eeyaha aysan wax khatar ah geysan, isaga oo carabka ku adkeeyay doorkooda ku aadan xaqiijinta amaanka. Waxa uu sidoo kale xusay in Soomaalida ay muddo dheer u adeegsan jireen Eeyaha ilaalinta beerahooda iyo guryahooda.