Casemiro, Salah, Saka, Kane, De Bruyne, mise Erling? – Xiddiga Sannadka Ee Premier League Oo Lagu Dhawaaqay

Xiddigii ugu fiicnaa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League xilli-ciyaareedkan sii dhamaanaya ee 2022/23 ayaa lagu dhawaaqay, waxaana guuleystaha hadda shaaciyey Premer League oo kala saaray siddeed ciyaartoy oo ku tartamay. Abaal-marinta xiddiga sannadka ee horyaalka Premier League, ayaa waxa liiska gaaban ee tartameyaasha loosoo xulay Kevin De Bruyne, Harry Kane, Martin Odegaard, Marcus Rashford, Bukayo Saka, Wilson, Isak, Kieran Trippier iyo Haaland.

Weerarhyahanka  reer Norway ee Erling Haaland ayaa ku guuleystay abaal-marinta ciyaartoyda sannadka ee uu bixiyo Premier  League kaddib markii uu jabiyey rikoodhka gool-dhalinta oo uu 36 jeer shabaqa soo taabtay 35 ciyaarood oo uu saftay, isla markaana raaciyey siddeed kale oo uu caawiye ka noqday.

Waa sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah ee xiddiga sannadka uu Premier League siiyo ciyaartoy Manchester City, waxaana ka horreeyey Kevin De Bruyne oo xilli-ciyaareedkii hore noqday xiddiga sannadka iyo Ruben Dias oo kasii horreeyey. Erling Haaland oo dhaliyey 52 gool oo dhamaan tartamada ah xilli-ciyaareedkiisa koowaad ayaa waxa uu hore ugu guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee ay bixiyaan ururka qoryeyaasha kubadda cagta ee FWA oo Khamiistii la guddoonsiiyey.