Booliska somaliland oo war adag soo saarey fariina udirey Shacabka .

Taliska Ciidanka Booliska JSL , waxa uu ka digayaa dad dhawaanahan caadaystay inay qarxiyaan Rashka kuna tuuraana Suuqyada , Masaajidada , iyo goobaha dadku ku badan yahiin , taasi oo nabadgalyada wax u dhimi karta xilligan lagu jiro u diyaar-garawga maalmaha Ciida.

Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland , waxa uu bulshada ugu baaqayaa inay ka waantoobaan waxyabahaasi amniga khalkhal gelinaaya , qofka lagu qabtana waxa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan. dadweynahana waxaanu ka codsanaynaa inay nala soo wadagaan haddii ay arkaan dadka falalkaasi wada.