Biden oo taageeray Madaxweyne kuxigeenkisu inay murashax noqoto markii ka hadhay tartanka doorashada

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in uu san dib isu soo taageyn. Afar bilood ayaa ka harsan marka dadka Mareykanka ay codeyn doonaan.

Go’aanka ayaa soo baxay kaddib toddobaadyo cadaadis weyn ay saareen madaxweyne Biden xisbigiisa Dimuqraadiga.

81 jirkan ayaa diiday baaqyo looga dalbanayay in uu ka haro doorashada kaddib markii walaac laga muujiyay caafimaadkiisa.

Biden waxa uu ku dhawaaqay in uu taageerayo Kamala Harris in ay noqoto musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ee doorashada 2024ka.