Baarlamaanka wadanka Vietnam ayaa xaqiijiyay Vo Van Thuong inuu yahay madaxweynaha cusub ee dalkaasi, kadib isku shaandheyn lagu sameeyay hogaanka sare ee dalka xilli uu socdo olole ballaadhan oo ka dhan ah musuqmaasuqa baaxada leh ee dalkaasi ka jira.
Kalfadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen, sharci-dajiyayaashu waxay ku xaqiijiyeen Thuong, inuu yahay madaxweyne ka dib markii xisbiga shuuciga ee talada wadankaasi hayaa uu u magacaabay inuu yahay musharraxa keliya ee xisbigaasi ku matalaayey madaxtinimada dalkaasi.
Isugeyn 487cod oo ka mid ah 488 ku xigeen ee ku sugnaa Golaha Shacbiga ayaa u codeeyay Thuong, sida ay sheegtay Viet Nam News ee ay dawladdu maamusho.
Be the first to comment