Banaanbax lagu taageerayo Dadka reer Falastiin oo ka dhacey dalka Mareykanka.

Bannaanbaxayaal taageersan Falastiin ayaa xannibay buundada San Francisco’s Golden Gate isniintii, iyagoo gebi ahaanba joojiyay isu socodka gaadiidka muddo saacado ah taasoo qayb ka ah maalin la isku dubariday oo ka dhan ah dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Muuqaal hawada laga sii daayay subaxnimadii Isniinta ayaa muujinaya gaadiidka taagan ee hal jiho ku yaal buundada caanka ah, halka dariiqyada jihada kale ay faaruq yihiin, iyadoo booliiskuna ay joogaan.
Mudaaharaadyo la mid ah ayaa lagu qabtay guud ahaan Mareykanka iyo adduunka oo dhan, ka dib markii kooxda A15 Action ay ku baaqday in la isku duwo “go’doomin magaalooyin badan …

“Magaalo kasta, waxaanu aqoonsan doonaa oo aanu xannibi doonaa meelaha muhiimka ah ee dhaqaalaha, annagoo diiradda saarnayna dhibcaha wax soo saarka iyo wareegga iyada oo ujeedadu tahay in la keeno saameynta dhaqaale ee ugu badan,” ayay kooxdu ku sheegtay shabakadeeda.

Dibad-baxayaasha ayaa Isniintii xiray waddooyinka Philadelphia waxayna xireen taraafikada waddooyinka soo gala garoonka caalamiga ah ee Chicago ee O’Hare, iyaga oo ku qasbay qaar ka mid ah rakaabka inay lugeeyaan si ay u qabsadaan duullimaadyadooda.

Mudaaharaadyada ayaa sidoo kale laga qorsheeyay Canada, Italy, South Korea, Colombia iyo Belgium, halka Akoonka X ee A15 lagu daabacay sawirada banaanbaxyada Greece, Spain iyo Australia.