Arsene Wenger Oo Sheegay Wax Arsenal Ka Caawin Kara In Ay Man City Ku Garaacdo Horyaalka Premier League.

Arsene Wenger ayaa ku raacay Pep Guardiola, waxaana uu aaminsan yahay inuu arkay calaamado daal ah kulankii ay Man City la ciyaartay Bayern Munich champions Legaue.

City ayaa u soo baxday semi-finalka ka dib markii ay barbaro 1-1 ah ku galeen Allianz Arena waxayna u bexeen wareega xiga ee tartanka.

Kooxda Pep Guardiola ayaa haatan todobaadkan ciyaari doona 2 kulan oo kale iyaga oo marka hore la ciyaari doona kooxda Sheffield United ka hor inta ayna bartamaha todobaadka dambe la ciyaarin Arsenal.

Arsenal ayaa iman karta kulanka Man City iyaga oo 7 dhibcood ka horeeya Man City maadama ay 2 kulan ciyaari doonaan ka hor inta ayna la ciyaarin Arsenal.

Gunners ayaa muujisay calaamado hoos u dhac waxana ay 4 dhibcood iska lumisay labadii kulan ee ay ciyaartay inkasta oo ay goolasha ku hor mareen Kulamadii Liverpool iyo West Ham.

Wenger ayaa aaminsan in City ay sidoo kale soo bandhigtay calaamado daal ah kulankii Bayern taasoo ay wiilasha Mikel Arteta ka faa’ideysan karaan.

Wuxuu u sheegay beIN Sport: “Arsenal wali gacantooda ayay ku jirtaa masiirkooda. Hadii ay badiso ciyaaraha waxa ay ku guulaysan doontaa horyaalka”.

Sida uu Guardiola sheegay caawa City way daalan tahay. Runtii waxaan dareemay inay daal ku dhameeyeen 10 ama 15 kii daqiiqo ee ugu danbeeyay (ay ka horyimaadeen Bayern) waxaana laga yaabaa in Arsenal ay taas ka faa’iidaysan karto sababtoo ah Arsenal wax kale ma ciyaarto, kaliya horyaalka oo kaliya waxay ciyaaraan habeenka jimcaha ka dib markii ay haystaan ​​shan maalmood oo ay isugu diyaariyaan kulankaan”.

“Jir ahaan waxay heli karaan faa’iido waxana ay Man City kaga yaabsan karaan si ay ugu guulaystaan horyaalka”.