Arsenal mise Man City? Wayne Rooney Oo Saadaaliyey Kooxda Ku Guuleysanaysa Horyaalka Premier League

Halyeygii Manchester Untied iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa sameeyey saadaal uu kaga nixiyey Arsenal oo la xidhiidha kooxda ku guuleysanaysa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League xilli ciyaareedkan.

Rooney ayaa waxa uu rumaysan yahay in Manchester City ay wali tahay kooxda ku guuleysanaysa horyaalka inkasta oo ay Arsenal siddeed dhibcood ku hayso hoggaanka.

Mikel Artet oo kooxdiisu ay qadanayso xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa tan iyo sannadkii 2003, ayaa waxay taxadar ka samaynaysaa inay u siibato sidii xilli ciyaareedkii hore oo ay kulamadii ugu dambeeyey u dhacday kaalinta shanaad iyaga oo muddo dheer kusoo jiray afarta sare.

Wayne Rooney oo dalliil ka dhiganaya siibashadii Gunners ee xilli ciyaareedkii hore, isla markaana kalsooni badan ku qaba khibradda Manchester City ayaa waxa uu yidhi: “Waxay ila tahay waxay noqon doontaa mid xiiso leh sababtoo ah Arsenal muddo dheer ma aanay joogin halkan [hoggaanka Premier League], waxaana jira cadaadis badan oo ku imanaya.

“Waxa hubaal ah in marka la gaadho toddobada ama siddeedda ciyaarood ee ugu dambeeya uu cadaadisku bilaabmo. Anigu ma xiisaynayo in aan arko haddii ay joogtayn karayaan wixii ay xilli ciyaareedka oo dhan samaynayeen.

“Waxay ila tahay in Manchester City ay hoggaanka kala wareegi doonto. Waxay ku guuleysanayeen horyaalka sannadihii u dambeeyey, waxay haystaan tababare khibrad badan waana Gurdiola, waanan xiisaynayaa haddii ay soo qaban karaan Arsenal.

“Waxay ila tahay in City la wareegi doonto hoggaanka horyaalka. Haddii aad aniga i weydiiso kooxda aan doonayo inay ku guuleysato horyaalka, waa Arsenal, laakiin Man City ayay ila tahay inay qaadi doonto.”