Soomaaliya oo digniin udirtya ciidamada ka dagaalamaya laascaanood.

Somaliland ayaa dhawr jeer oo hore jeedisay eedeymo la xiriira in ciidamo ka tirsan kuwa dawladda federaalka Soomaaliya ay ka dagaalamayaan gudaha Laascaanood.

Taliyaha Ciidamada Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage oo lahadlay BBC da wuxuu sheegay in sarkaalkii isaga oo xubin ka ah ciidanka qaranka qayb ka noqda colaadda Laascaanood uu sidaas ku wayI karo xubinamadiisa.

Mar aan si qaas wax uga waydiinay arrinta Taliye Maxamed, wuxuu sheegay in uusan xasuusan magaca sarkaalkaas balse uu waayay xubinimadiisii ciidanka marba hadii uu ku biiray dagaalka Laascaanood.

Balse taliye Odowaa wuxuu ku adkeystay in aysan jirin askar xubno ka ah ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ay ku ogyihiin dagaalka Laascaano, askarigii ku biirana uu lumin doono xubinimadiisa ciidanka.

Somaliland ayaa dhawr jeer oo hore jeedisay eedeymo la xiriira in ciidamo ka tirsan kuwa dawladda federaalka Soomaaliya ay ka dagaalamayaan gudaha Laascaanood.