Gar-gaar loo wadey dad danyar ah oo gacanta ugaley Ciidanka RSF.

Saraakiisha gobolka Darfur ee dalka Suudaan ayaa ku eedeeyay ciidamada RSF inay bililiqeysteen oo ay xannibeen kolonyo gawaari gargaar siday ah, iyadoo ay sii kordhayayaan dhibaatooyinka bini’aadantinimo.

Waxay sheegeen in dagaalyahannada RSF-ta ay qabteen gargaar ay siiyeen Qaramada Midoobay iyo Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn, taasoo loogu talagalay dadka barakacayaasha ah ee ku nool Waqooyiga iyo Koonfurta Darfur oo ay soo food saartay macluul.

Tobanaan baabuur oo gargaar ah ayaa galay gobolka Darfur tan iyo markii ay ciidamadu dib u fureen marin muhiim ah oo ah xadka u gobolkaasi la wadagao dalka Chad.