Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada somaliland oo ay kamid ahaayeen Xildhibaanada laga soo doortay Gobolka Awdal ayaa si adag uga soo horjeestay Xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib oo Maalintii shalay ahayd lagu xidhay Hargeysa.
Xildhibaanadani waxay sheegeen in Xadhigiisu yahay Mid sharciga Baalmaarsan oo aan loo baahnayn isla markaana waxay baaq dheer Udireen shacabka Gobolka Awdal oo ay ugu baaqeen Inay Nabada Ilaashadaan.