Dawlada Jabuuti oo Deked siineysa Itoobiya si loo soo Afjaro Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha dibeda dalka Jabuuti ayaa sheegay in ay diyaar la yihiin deked la siiyo Itoobiya si loo soo afjaro Khilaafka udhaxeeya Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

labada wadanka ayaa hore iskugu khilaafey deked ay Somaliland siineysay Dalka itoobiya iyadoo Soomaaliya aad uga cadhootey Heshiika dhex marey itoobiya iyo somaliland.