Madaxweynaha somaliland oo Safar ugu baxey Qaybo kamid ah Somaliland.

Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Safar ugu baxey Gobolada Galbeedka somaliland .

madaxweynaha ayaa inta uu safarkiisa ku gudo jiro waxa uu ka qayb gali doonaa qalin jabinta qaar kamid ah jaamacadaha Ku yaala Boorama iyo Gabiley .

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu xadhiga ka jaro Mashaariico xukuumadiisu ka hirgelisay Gobolada Galbeedka .

Dhawaan ayuu madaxweyne Biixi kasoo laabtay safar Tofobaadyo qaatey oo uu ku tagey gobolada Bariga somaliland.