Saraakiisha Lubnaan ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku riday boqollaal qof oo u badnaa ciidamada ammaanka ee shaqada ka fadhiistay, kuwaas oo isugu soo baxay meel ku dhow xarumaha dowladda ee caasimadda si ay uga mudaaharaadaan xaaladaha dhaqaale ee sii xumaanaya ee ka jira dalkaasi.
Dad aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka badhtamaha Beirut iyagoo sita midabbada saddex midab ee Lubnaan ama calamada ay ku xardhan yihiin astaanta ciidamada ammaanka. Mudaaharaadka ayaa waxaa ku baaqay askar hawlgab ah iyo kuwa dhigaalka dhigata kuwaas oo fursad kooban u helay kaydadkooda ka dib markii bangiyada maxalliga ahi ay soo rogeen kontaroolo raasumaal oo aan rasmi ahayn iyada oo ay jirto xiisadda dhaqaale ee Lubnaan, taas oo ah tii ugu xumayd taariikhda casriga ah ee dalka.
Like this:
Like Loading...