Web 3.0, waa marxaladda xigta ee horumarinta internetka. Waxay u socotaa in ay badasho Web 2.0 oo ahaa hab dadka u fudaydinaysa in ay wada xidhiidhaan oo fariimo is dhaafsadaan iyagoo isticmaalaaya Application iyo Website-yo shirkado leeyihiin oo meel dhexe laga maamulo (Centralized), tusaale ahaan sida baraha bulshada ee aan maanta isticmaalno oo kale.
Hadaba Web 3.0 waxay kaga duwan tahay hanaankaas hore, waxa ay xoogga saaraysaa in ay dadku awood buuxda u yeeshaan ilaalinta xogtooda, hantidooda dhigitaal ah, iyo ka qaybgalka nidaamyada online-ka ah iyaga oo aan cid kale ku dhex jirin.
Web 3.0 waxay ku salaysan tahay fikradda ah in internetku uu noqdo mid ku shaqeeya tiknoolajiyad cad iyo mid aysan cid gaar ah maamulin oo aan meel gooni ah na laga maamulin (decentralized), nidaamkan ayaa ah mid aysan xogta ku xidhnayn shirkadaha waaweyn, balse ay ay maamulkooda leeyihiin dadweynaha iyaga oo isticmaalaya tiknoolojiyada blockchain-ka oo kale. Fikradda blockchain waa in xogta loo qaybiyo kumanaan kombiyuutar oo dunida kala yaalla, taasoo macnaheedu yahay in hal shirkad ama hay’ad aysan si toos ah u maamuli karin xogtaada.
Web 3 waxay sidoo kale ka dhigan tahay in la isticmaalo “smart contracts,” kaas oo ah koodh lagu qoro blockchain-ka si loo fuliyo heshiisyo, iyada oo aan loo baahnayn dhinac saddexaad oo korjooge ah.
Tiknoolojiyada Web 3.0 waxay noqon kartaa isbeddel weyn oo ku yimaada sida aan u fahano oo aan ula macaamilno internetka. Waxaa hubaal ah inay noqon doonto mid ka beddesha sida hadda wax u socdaan, oo u bedeshaan kuwa isticmaala si ay ugu noolaan karaan internet xor ah oo xaqooda ilaalinaya.
Mohamed DEEQ