Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta u ah gobolka Sanaag ee Somaliland.
Muuse Biixi iyo wafti ka tirsan Xukuumadiisa ayaa Intii ay socdaalkooda Gobolada Bari ay ku jireen waxa ay xadhiga ka jareen Mashaariico Tiro yar oo xukuumadu ka hirgelisay Deegaano ka Tirsan Gobolada Saaxil,Togdheer iyo Sool halka maantana la filaayo mashaariico kale oo laga hirgeliyey Gobolka sanaag inuu Madaxweyne Biixi Xadhiga ka jaro.
Gobolka Sanaag Gaar ahaan Ceerigaabo ayaa Waxay soo Afmeeri doonta Socdaalka Todobaadka qaatey ee Waftiga Xukuumada Somaliland ka tirsan ay ku marayeen Gobolada Bariga Somaliland.