Qaar kamid ah Dalalka Caalamka oo Bilaabaya Isticmaalka Nidaam Cusub oo lacagaha Lagula Baxayo.

In kabadan 159 dal ayaa qorsheynayaan inay qaataan nidaamka cusub ee lacag-bixinta ee ay soo bandhigeen waddamada BRICS (Brazil, Russia, India, China, iyo South Africa). Kaas oo lidi ku ah hannaanka lacag bixinta ee SWIFT loo yaqaan.

Nidaamkan cusub ayaa loogu talagalay in lagu yareeyo ku tiirsanaanta doolarka Mareykanka, waxaana uu siinayaa waddamada kale fursad ay kaga ganacsadaan iyaga oo ka madax bannaan saameynta doolarka.

Tani waxay qayb ka tahay qorshe ballaadhan oo ay BRICS ku doonayso inay ku sameeyaan nidaam maaliyadeed oo caalami ah.