Sida ay sheegayaan qaar kamida warbaahinta Spain, waxa jirta suurogalnimo ay dhammaadka xilli ciyaareedkan Chelsea ku kansalayso heshiiska weeraryahankeeda Pierre Emerick Aubameyang.
33 sano jirkaas ayaa hoos uga dhacay xulashada kooxdiisa isagoo kaliya toddoba daqiiqo oo Premier League ah ciyaaray tan iyo 21-kii January.
Chelsea ayaa la sheegayaa inaysan ku faraxsanayn go’aanka uu Aubameyang ugu safray magaalada Barcelona dhawaan si uu kooxdiisii hore u taageero kulankii Classico ee Real Madrid.
Barcelona ayaa kulankaas 2-1 ku badisay xilli dambe kaddib gool ka yimid Franck Kessie, Auba ayaa la arkay isagoo sawir kula galaya xiddigaha Barca kulana dabaaldegaya qolka labiska ciyaarta kaddib.
Sida uu sheegayo wargeyska Sport, haatan waxkasta waxay tilmaamayaan in Chelsea xagaaga Aubameyang heshiiskiisa goor horeba ka fasixi doonto.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegaysa walow Aubameyang uusan xidhiidh toos ah la samayn madaxweyne Joan Laporta haddana uu aad u doonayo inuu Camp Nou ku laabto xagaaga.
Weeraryahanka Gabonese-ka ah ayaa ku biiray Chelsea xagaagii isagoo heshiis 10 Milyan oo pound ah ugaga yimid Barcelona si uu dib ula midoobo tababare Thomas Tuchel oo ay Borussia Dortmund kusoo wada shaqeeyeen.
Laakiin nasiib-xumada heshay ayaa ah in Tuchel shaqada Bridge laga cadhiyay maalmo tirsan kaddib markii Auba kooxda dartii ugu wareegay.