Xog ku saabsan HAMSTER KOMBAT

Xog ku saabsan HAMSTER KOMBAT.

Hamster Kombat waa mashruuc lagu dhisaayo lacag cusub oo dhigital ah, oo lagu dul dhisaayo blockchain-ka TON, waxaa la shaaciyey bishii Maarij ee sannadkan.

Waa mashruuca ugu balaadhan ee inta la ogyahay ee ay si wayn dadweynuhu uga qayb qaateen gaar ahaan Soomaalidu, waxaana baraha bulshada ee mashruucan ku xidhan malaayiin qof.

  • Youtube: 35 Milyan
  • Twitter: 12.5 Milyan
  • Telegram: 53 Milyan

Inkastoo muda kooban ay ku gaadheen xadi intaas leeg, hadana dadka qaar ayaa ka walaacsan in mashruucani yahay mid kooxda Hamster uga dan leeyihiin oo kaliya in ay ku helaan lacag ay baraha bulshada ka sameeyaan.

Hadaba waxa xiisaha u yeelay mashruucan ayaa ah in ay shaaciyeen in dadku si bilaasha ku heli doonaan koynkooda cusub qayb ka mida hadii qofku ka qayb qaato suuqgaynta koynkan.

Waxay diyaariyeen game lagu dhisay Telegram-ka oo ay ka qayb qaadanayaan 300 milyan oo qof, ka qayb galayaashan ayaa laga rabaa in ay sameeyaan xarakaad kooban oo uu kula tartamaayo dadka kale ee qaybta ka ah game kan, taas oo la sheego in qof walba abaal marinta ku heli doono kolba heerka uu ka gaadho game kaas, hanaankan ayaa loo yaqaan Airdrop, kaas oo aan wax lacaga qofka laga qaadayn.

Waxaana nidaamkan hore sumcad wayn ugu helay koynka NOTCOIN oo sidan oo kale dadwaynuhu uga qayb qaateen.

Hadaba waa maxay Airdrop?

Airdrop marka la joogo suuqa lacagaha dhijitaalka ah,waa hab lagu qaybiyo lacag cusub oo soo bixi doonta si bilaash ah, kadibna dadka ayaa loo soo bandhigaa inay ka qayb qaataan lacagtaas si ay ugu helaan bilaash markay soo baxdo, balse shuruudo kooban ayaa lagu xidhaa oo ah in ay ka qayb qaataan suuqgaynta mashruucan cusub si uu u guulayasto iyaguna abaal marin u helaan.

Tani waxay caawisaa in mashruucu helo suuqgayn balaadhan si ay u korodho aqoonsiga iyo isticmaalka lacagta cusub.

Games-ka noocan ah ayaa kor u qaaday sumcada iyo isticmaalka Telegram iyo Blockchain-kooda TON.

Si kaataba ha ahaatee , wixii ka soo kordha kala soco MMTV