Maxaa ka cusub xaalka dalka Bangaladesh ?

Dhaqaaleyahanka haysta billadda Nobel, Muhammad Yunus ayaa dib ugu laabtay Bangaladesh si uu u hoggaamiyo dowladda Kumeel-gaarka ah ee dalkaas looga dhawaaqay, ka dib markii talada laga tuuray Raysal wasaarihii dalkaas mudada dheer xukumeysey ee Sheikh Hasina.

Waxaa la filayaa in Muhammad Yunus maanta gelinka dambe loo dhaariyo Raysal Wasaare ku meel gaar ah tillaabadaas oo looga golleeyahay in lagu qaboojiyo kacdoonka ardaydu hormuudka ka tahay ee dalkaas ragaadiyey.