Axadii ayay ahayd markii labaad ee xilli ciyaareedkan ee xiddigaha khadka dhexe ee Pablo Gavi iyo Dani Ceballos isku dhacaan kulan Clasico ah.
Waxay kaamerooyinku qabteen Gavi oo dhulka ugu tuuraya xiddiga Real Madrid oo aan gabi ahaanba wax kubad ah haysan.
Dadka sida dhaw ula socda kulamada Real Madrid iyo Barcelona ayaa qaba inuu aargoosi ahaa maadaama uu Ceballos timaha jiiday Gavi Finalkii Spanish Super Cup ee labada kooxood ku dhex maray Saudi Arabia.
Kaddib kulankii Axadii, muuqbaahiyaha Movistar+ ayaa waraysi ka qaaday walaasha la dhalatay Dani oo sheegtay inuusan wax xifaaltan ahi ka dhaxaynin labada ciyaartoy maadaama walaalkeed ka wanaagsan yahay.
Ma jiro wax xifaaltan ah oo u dhaxeeya (Gavi iyo Ceballos) sababtoo ah waxaan filayaa inuu walaalkay aad uga wanaagsan yahay” ayay tidhi walaasha Ceballos.
Ceballos ayaa dhawaan xaqiijiyay in isaga iyo Gavi ay ka heshiiyeen wixii dhex maray maadaama xulka Spain ku wada jiraan oo isku diyaarinayaan isreeb-reebka Euro 2024.
Labada ciyaartoy ayaa markale isku dhici kara marka ay dhawaan labadooda kooxood isku arkaan lugta labaad ee wareega afar dhammaadka Copa Del Rey.