Raysal wasaaraha Itoobiya oo la kulmay Madax ka socota Turkiga..

Wasiirka arrimaha Dibedda Dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa gaadhay Magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Qoraal uu bartiisa X u baahiyey, Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga ka wada hadlaan xidhiidhka labada dal.

Socdaalka Wasiirka Khaarajiga ee Turkiga, ayaa ku soo beegmaya xilli la filayo in wejigii labaad ee Wada hadallada Itoobiya iyo Somalia, dhacaan bisha dambe, waxaana la filayaa in labada dhinac arrintaasi ka wada hadlaan