1: Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay si kulul u cambaareyneyso dilka madaxii Xamaas Ismaaciil Haniyeh oo lagu dilay magaalada Tehran.
Wasaaraddu “waxay xaqiijinaysaa in dilkan iyo hab-dhaqanka taxadar la’aanta ah ee Israel ay si joogto ah u beegsanayso dadka rayidka ah ee Gaza ay u horseedi doonto gobolka inuu ku dhaco fowdo oo uu wiiqo fursadaha nabadda”.
2: Hezbollah ayaa sheegtay in dilka Haniyeh ay xoojin doonto “go’aanka iyo madax adaygga” ” dagaalyahannada iska caabinta ” ayna ka dhigi doonto “go’aankooda mid adag” si ay ula dagaallamaan Israa’iil.
War qoraal ah oo la soo dhigay barta Telegram, kooxda hubaysan ee Iran ay taageerto ayaa sidoo kale tacsi u diray qoyska hogaamiyaha Xamaas.
“Haddii aanu nahay Xisbullah waxa aanu la wadaagaynaa walaalaheenna qaaliga ah ee dhaqdhaqaaqa Xamaas dhammaan dareenka xanuunka leh ee ka dhashay geeridii hoggaamiyahan weyn, dareenka cadho ee dembiyada cadawga, dareenka sharafka ah ee ay madaxda xarakadeennu ku hoggaaminayaan dadkooda iyo mujaahidiintooda in ay shahiidaan” ayaa lagu yiri fariinta.
3: Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa ku tilmaamay dilka Ismaaciil Haniyah fal “fuleynimo ah oo halis ah”.
Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Falastiiniyiinta “inay midoobaan, oo ay is dejiyaan una adkeystaan wejiyada gumeysiga Israa’iil” sida lagu sheegay bayaan ay baahisay wakaalada wararka ee Wafa.
Maamulka Falastiiniyiinta ee uu hoggaamiyo Maxamuud Cabbaas ayaa maamula Daanta Galbeed oo ah aag kooban, halka inta badan ay Israa’iil gacanta ku hayso.
4: Waxaan hadda soo baxaya falcelinno kala duwan oo ka imaanaya dalal uu ka mid yahay Ruushka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa dilka Haniyah ku tilmaantay “dil siyaasadeed oo aan gebi ahaanba la aqbali karin”, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee Ria.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalkaas, Mikhail Bogdanov, ayaa sheegay in dhimashada hoggaamiyaha Xamaas “ay horseedi doonto xiisad hor leh”.
Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sidoo kale cambaareysay wax ay ku tilmaamay “dilka ceebta ah ee ka dhacay Tehraan”, iyadoo bayaan ay soo saartay oo lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegtay “in dilka looga gol leeyahay in lagu faafiyo dagaalka Qasa laguna gaarsiiyo heer gobol”.