wararkii ugu dambeeyey ee xuutiyiinta iyo israa’iil .

Qoraal lagu daabacay akoonka rasmiga ah ee Israa’iil ee X ayaa lagu sheegay in dekedda Xudeyda ay weli gubaneyso in ka badan 12 saacadood kaddib markii ay duqeeyeen diyaaradaha Israa’iil.
Weerarada ayaa lagu bartilmaameedsaday ilaa 20 haamaha shidaalka ah oo ku yaala gudaha iyo agagaarka dekeda waxayna “si buuxda u xidheen” awooda ay dekeddu u leedahay in ay alaabta ku hesho iyada oo la weerarayo wiishash iyo qalab kale, Doron Kadosh, oo ah wariye u shaqeeya Raadiyaha Ciidanka Israel, ayaa ku yidhi qoraal uu soo dhigay X.
Warbaahinta xiriirka la leh Xuutiyiinta ayaa goor sii horeysay sheegtay in ciidamada difaaca madaniga ah iyo dabdamiska ay isku dayayeen in ay damiyaan dabka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in aysan ka laba labeyn doonin in ay weeraraan waxa ay ugu yeereen “bartilmaameedyada muhiimka ah” ee Israa’iil. Taasi waa ka dib markii ciidamada Israel ay duqeeyeen goobo muhiim ah oo ku yaala Xudeyda.
Waxay wacad ku mareen in ay dagaal dheer la gali doonaan Israa’iil, sidoo kalena aysan ka laba labayn doonin in ay beegsadaan gooba muhiimka ah caasimada Israa’iil, isla markaana maanta laga bilaabo aysan aamin ahayn magaaladada Tel Aviv.

Dhanka kale waxaa heegan la galiyey, goobaha laydh, madaarada iyo goobaha biyaha ee magaalada Tel Aviv, sida ay ku waramayaan warbaahinra maxaliga ah ee Israa’iil.
Weerarka lala beegsaday Xudeydah waxaa ku dhintay saddex qof halka ay ku dhaawacmeen 87 qof.
Dawlada caalamku anqoonsan yahay ee ayaa Yemen si wayn u cambaaraysya weerarka Israa’iil ku soo qaaday dhulka Yemen.
Iran, Xisbulaah, Xamaas iyo Ruushka ayaa cambaareeyey weerarka lagu qaaday dekeda Xudeydah.

Sidoo kale afhayeen uhadlay xuutiyiinta ayaa sheegau inay weerareen markab dagaal oo mareykanki leeyahau oo taagan badda cas

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay soo rideen gantaal laga soo tuuray dalka Yemen saacado kadib weerar ay Israa’iil ku qaadday magaalada dekedda leh ee Xudeydah.
Saraakiisha Xuutiyiinta Yemen ee ay maamulaan Xuutiyiinta ayaa sheegay in saddex qof ay ku dhinteen 87 kalena ay ku dhaawacmeen ka dib markii Israa’iil ay weerartay Xudeydah, oo ay gubeen haamo shidaalka lagu kaydiyo.

dhinaca kale xuutiyiinyta yaa sheegay inay gantaalada noca balaastiga ha ay ku ganeen magaalada dekeda leh ee elat ee israaiil taasi oo ay sheegene inay jawaab utahay duqeymaha israaiil ka geystaya dekeda xudeydiya