Golaha wakiilada Somaliland ayaa soo saarey war qoraal ah oo ay ku faahfaahinayaan Talo soo jeedinta la taliyaasha sharci ee Golahaasi leeyahay ay kasoo saareen kiiska Xildhibaan Maxamed abiib .
Kiiskan Xildhibaanka ayaa loo balamey in la furo ama golaha la horkeeno marka uu Furmo kal fadhigeedu kaasi oo ku beegan bisha Sideedaad ee Soo socota.
Xildhibaan maxamed abiib ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Magaalada boorama ee xarunta Gobolka Awdal iyadoo soo dhaweyntiisa ay ka qayb qaateen Boqolaal dadweynaha Boorama ah .