Madaxweyne Hore Trump oo Taiwan fariin adag udirey

Donald Trump ayaa sheegay in Taiwan ay tahay inay bixiso lacagta uu ku difaaco Mareykanku si uu uga ilaaliyo Shiinaha, isaga oo su’aal galiyay taageerada Washington ee dimuqraadiyadda jasiiradda haddii uu ku guuleysto Aqalka Cad ee doorashada madaxtinimada ee November.

Isaga oo ka jawaabaya faallooyinka Trump, ra’iisul wasaare Cho Jung-tai wuxuu sheegay in Taiwan iyo Mareykanka ay leeyihiin xiriir wanaagsan inkastoo uusan jirin xiriir rasmi ah, laakiin wuxuu raaciyay in Taiwan ay kordhineyso awooddeeda ay isku difaacdo.

Wareysi uu siiyay Bloomberg Businessweek , Trump ayaa la weydiiyay haddii uu Taiwan ka difaaci doono Shiinaha haddii uu ku guuleysto doorashada Mareykanka ee November. Xisbiga Shuuciga ah ee haya talada Shiinaha ayaa ku andacoonaya in Taiwan ay tahay gobol, waxaana uu wacad ku maray in uu ku darsan doono, isaga oo diiday in uu meesha ka saaro adeegsiga awood ciidan. Maraykanku si rasmi ah uma aqoonsan Taiwan laakiin waa saaxiibka ugu muhiimsan ee amniga.

Isaga oo ka jawaabaya su’aasha Trump waxa uu sheegay in Taiwan ay tahay in ay bixiso qarashka difaaca Maraykanka si ay u difaaco,