Xafiiska xeer ilaaliyaha Somaliland ayaa Dacwad kasoo Gudbiyey saddex Xildhibaan Oo ka tirsan golaha wakiilada somaliland kuwaasi oo laga soortay Gobolada Awdal saaxil iyo Saraar .
Si gaar ah waxa xafiiska xeer ilaalintu Dacwadiisa usoo gudbiyey xildhibaan Maxamed abiib yuusuf oo laga soo doortay Gobolka Awdal iyadoo Dacwadiisa loo Gudbiyey Guddida Joogtada ah ee Golaha wakiilada somaliland isla markaana waxa guddida laga Codsaday in ay Ugudbiso Gola weynaha Si cod loogu waado Kiiskaasi lagu soo oogey isla markaana Xasaanada Xildhibaanimo looga qaado.
Si kastaba waxa Xildhibaanka dacwadiisa Qoraal kooban ka qorey Xildhibaan Axmed Khaliif kaasi oo sheegay in Maamus ka xayuubinta Xildhibaanka ay ka dhawdahay in Xilka laga qaado Madaxweynaha somaliland.