Madaxweynaha Kenya oo kala eryay Golihiisi wasiirada.

Madaxweyne William Ruto ayaa kala diray golahiisa wasiirada, marka laga reebo madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua iyo Musalia Mudavadi oo ahaa madaxii wasiirada.

Wuxuu sheegay in go’aankan uu qaatay ka dib dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Kenya ee qasabka ka dhigay in madaxweynaha uu ka noqdo sharciga maaliyadda ee 2024 iyo “ka dib markii la tix-geliyay codsiga Kenyanka, iyo qiimeeyntii golaha wasiiradayda”.