khasaare intee leeg ayaa ka dhashay dhul gariirka ka dhacay wadamada Peru iyo Ecuador?

14 qof ayaa ku dhintay dhul gariir xoogan oo ku dhuftay wadanka Ecuador.

Dhulgariir xooggan ayaa ku dhuftay dalalka Ecuador iyo Peru, waxaana ku dhintay ugu yaraan 14 qof, waxaana uu burburiyay guryo iyo dhismayaal, waxaana dadka oo argagaxsan ay soo galeen waddooyinka.

Hay’adda Sahanka dhulka ee Maraykanka ayaa sheegtay dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 6.7 magnitude Sabtidii ka dhacay gobolka xeebta ee Ecuador ee Guayas. Gariirku waxa uu xuddun u ahaa 80km (50 mayl) dhanka koonfureed ee magaalada labaad ee ugu weyn dalka, Guayaquil, taas oo ku xidhan aag metro ah oo ay ku nool yihiin in ka badan saddex milyan oo qof.

Dhulgariirka ayaa 13 qof ku dilay dalka Ecuador, halka ugu yaraan hal qofna lagu soo waramayo inuu ku dhintay dalka Peru. Maamulka Ecuador ayaa sidoo kale sheegay in ugu yaraan 126 qof ay ku dhaawacmeen.