Wadahadallo ayaa saaka uga furmay Magaalada Hargeysa, Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Urur-siyaasaddeedka Kaah.
Wada hadalladan oo gogol xaadhkoodu socday maalmihii u dambeeyey, ayaa saaka si rasmi ah u furmay, iyada oo labada dhinac hadaf ay ka leeyihiin wada hadalkani yahay in ay samaystaan xulufo siyaasaddeed.