Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in laga yaabo in uu Turkiga ku casuumo dhiggiisa Suuriya Bashaar Al-Asad “waqti kasta”, taasi oo muujin karta in uu soo hagaagayo xidhiidhka labada dal kadib in ka badan toban sanno oo kala fogaansho ah.
Arintan ayaa timid wax ku dhow todobaad kadib hadalkii Erdogan ee uu ku sheegay in aysan jirin wax ka hor istaagaya inuu xidhiidh dhex maro Ankara iyo Dimishiq, kadib xiisado xoogan oo tan iyo markii ay dalkaasi ka bilowdeen banaanbaxyo ka dhacay dalka Suuriya 13 sano ka hor, kuwaasi oo gaadhay heerkii ugu sareeyay markii Turkiga uu dalbaday in meesha laga saaro Assad “si looga hortago dhiig daata.