Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigey nin dil geystay.

Allaah haw naxariistee Xalay waxa Magaaladda Gabiley lagu dilay wiil dhalinyaro ah iyada oo mid kalena la dhaawacay

Ciidamada Booliiska oo ka warbixiyay falkan ayaa sheegay in dilkan uu geystay eedaysane ay soo weerareen saddex dhalinyaro ah oo ay ku jiraan Marxuumka dhintay iyo ka dhaawaca ahi, ka dib markii uu damac ka galay moobilekiisa xilli uu La fadhiyay Gabadh.

Eedaysanaha ayaa isku difaacay Toorey, waxaanu dilay mid isaga oo kan kalena dhaawacay.

Booliisku Waxa ay sheegeen in Iminka ay gacanta ku hayaan eedaysanaha, Gabadha la socotay iyo Labo ka mid ah dadkii weerarka soo qaaday oo uu mid dhaawac ka soo gaadhay Gacanta.