Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay ka dib markii roobab mahiigaan ah ay dhaliyeen daadad iyo dhul go’ guud ahaan dalka Nepal, iyadoo kooxaha musiibooyinka ay raadinayaan sagaal la la’yahay, sida ay booliisku sheegeen.
Daadad ku dhuftay dalalka dariska ah ee Hindiya iyo Bangaladesh ayaa sidoo kale sababay khasaare baaxad leh oo saameeyay malaayiin qof.
Booliisku waxay kala shaqaynayaan hay’ado kale iyo dadka deegaanka sidii loo heli lahaa dadka maqan,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Nepal Dan Bahadur Karki, Dad ayaa lagu dilay ama lagu la’yahay meelo badan, ayuu yidhi.
Roobabka monsoon ee bilaha 6aad ilaa 9aad ayaa sanad walba keena dhimasho iyo burbur baahsan guud ahaan Koonfurta Aasiya, laakiin tirada fatahaadaha iyo dhul goynta ayaa kordhay sanadihii ugu dambeeyay.
Khubarada ayaa sheegay in isbedelka cimilada iyo kororka dhismaha waddooyinka ay sii kordhinayaan dhibaatada.