Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Maroodi jeex ee Xisbiga waddani Wali cabdi Jaamac ayaa sheegay inaanu Jirin wax dhul dan Guud ah oo uu iibiyey Maayirka Caasimada Hargeysa oo dhawaan lagu eedeeyey Inuu Iibiyey Dhul Ku Yaala Magaalada Hargeysa.
Wali Cabdi Jaamac ayaa eedeymahan oo Xildhibaan maxamed Abiib ujeediyey Maayirka Hargeysa ka jawaabaya ayaa Yidhi” Cabdikariim Maaha Nin looga baqayo inuu Iibiyo dhulalka Danta Guud ee uu Maamulo ,Waa Maayirkii ugu wanaagsanaa ee Ay Hargeysa Hesho isla markaana Hormaro Kala duwan iyo Dhismayaasha Wadooyin Casri ah ka hirgeliyey Hargeysa.
Maxamed Abiib Waxaan leeyahay Intaad Maayirka Dhaliileyso waxaa ubaahan inaad ka hadasho Degmadii Ruqqi ee Lagaa soo doortay oo Xaaladeedu liidato”
Waxa xusud Mudan in Xildhibaan maxamed Abiib uu kasoo Baxey Xisbiga waddani balse uu Wakhtigan uu ka Tirsan Yahay Urur siyaasadeedka Kaah .