Real Madrid ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga amaahda uga maqan Chelsea ee Romelu Lukaku, sida ay wararku sheegayaan.
29 jirka reer Belguim ayaa amaah ku joogay kooxda Inter Milan kadib markii uu ku fashilmay Stamford Bridge xilli ciyaareedkii hore.
Si kastaba kooxda Talyaaniga waxay xilli horeba ku adkaysteen inuusan sii joogi doonin wax ka badan dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Agaasimaha guud ee Inter Giuseppe Marotta ayaa yiri: “Waxa uu ku laaban doonaa Chelsea maadaama ay tahay amaah toos ah, waa qeyb ka mid ah heshiiska — markaas waan arki doonaa.
“Lukaku wali xaaladiisu ma fiicna, wali waxaan sugeynaa inaan aragno Romelu-ka dhabta ah sidii aan horay u aragnay”.
Taasi waxay shaki galisay mustaqbalka weeraryahanka, iyadoo Chelsea ay dooneysay inay yareyso khasaaraheeda ka dib markii ay 97.5 milyan ginni kula soo wareegeen bishii Agoosto 2021kii.
Real Madrid ayaana lagu wadaa inay ka faa’ideysato xaaladaan oo ay dalab ka gudbiso Romelu Lukaku.
Sida laga soo xigtay Fichajes, Los Blancos waxa ay dooneysaa in ay xoojiso awooda Karim Benzema oo ay ka garab ciyaarsiiso Lukaku.
Warbixinta ayaa soo jeedinaysa in Carlo Ancelotti iyo maamulka kooxda ay aad ula dhacsan yihiin Lukaku markii ay arkeen waxtarkiisa marka uusan dhaawac aheyn.
Xaqiiqdiina, kaliya labo xilli ciyaareed ka hor Lukaku waxa uu Inter Milan ku hogaamiyay horyaalka Serie A isagoo ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka sannadka.