Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Fariin Adag Udirey Soomaaliya .

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo hadal ka jeediyay Aqalka Wakiillada Ee Baarlamanka Itoobiya ayaa Mar kale ku celiyay in aan meesha laga saari karin damaca Itoobiya ee ah in hesho Marin-badeed.

Waxaa uu sheegay in dawladda Soomaaliya ay Tamar badan ku bixisay joojinta isfahamka Somaliland iyo Itoobiya, balse laga maarmi waayay in madaxda Itoobiya ay wadahadal la yeeshaan.

RW Abiye ahmed ayaa sheegay in ay muhiim u tahay in dalkiisu galaangal u yeesho badda taas oo uu sheegay in Somaliland fursaddaas bixisay.

Ilaa hadda waxaa la sugayaa talaabada xigta ee Itoobiya ay qaadayso ee ku aaddan isfahamkii Somaliland ay la gashay.