Soomaaliya oo iska fogeysay inay wada hadal la gelayso Ururka Al-shabaab .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa meesha ka saaray warar maalmihii la soo dhaafay la isla dhex marayay oo sheegayay in dowladda Soomaaliya iyo al-Shabaab ay yeelanayaan wadahadal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan jirin wax uu ogyahay oo dowladiisu kala hadasho Shabaab.

“Shabaab iyo annaga wax naga dhaxeeya malahan, wax naga dhaxeeya oo aan ka wada hadalno oo aan dhahno sidaan, sidaanaa ka fiican ma hayno,” ayuu yiri madaxweyna Xasan Sheekh oo xalay jeediyay khudbad uu kaga hadlayay xaalado dhowr ah oo dalka ka taagan.

Wuxuu intaa ku daray in haddii ay hayn lahaayeen ka dowlad ahaan wax lagala hadlo al-Shababaab ay markaa suurta gal ahaan laheed in wadahadal dhex maro.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in mustaqbalka haddii ay isla fahmaan waxa ka dhaxeeya ama la wada leeyahay ay la hadli doonaan, wuxuuse mar kale ku celiyay in hadda aanu jirin wax hadal ah oo dowladiisu Shabaab la galayso ama ay la leedahay.